Rasmi filimka Bala iyo sabtidiisa koowaad lacagaha uu keenay iyo filimkaanoo qarka u saaran in maalmo yar Hit ku noqdo.

0
622

Filimka Bala ee uu hogaamiyaha kayahay Ayushmann Khurrana ayaa maalintii shalay aheyd soo xareeyey ganacsi 15 crore nadiif ah asigoona sameeyay sare u kac 60% ah.

Bala ayaa haatan mudo labo maalmood kusoo xareeyay ganacsi dhan 24.50 crore waana ganacsi weyn iyadoona la filaayo in maanta oo axad ah uu ganacsiga ugu weyn sameyn doono sidoo kalana ayba macquul tahay inuu 20 crore gaaro.

Ayushmann filimkiisii ugu dambeeyay ee Dream Girl sadaxdiisa maalmood ugu horeyso wuxuu keenay 43.20 crore waxaana lagu wadaa in filimka Bala uu maanta darajadaas dhaafo soona xareeyo 44 ilaa 45 crore.

Dhanka kale filimkaan ayaa qarka u saaran in durba uu Hit noqdo waana hadii maalinta isniinta ganacsigiisa hoos u dhac weyn sameynin tani ayaana ka dhigan in Ayushmann uu tagay marba hadii uu filim mudo isbuuc ah Hit uga dhigi karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here