Ayushmann Khurrana filimkiisa Bala ayaa 8 Crore keenay Isniintiisa kowaad wuxuuna sameeyay 15% hoos u dhac ah marka lala bar bar dhigo Jimcadiisii kowaad ganacsiga uu sameeyay waxaana filimkan si gaar ah u caawiyay xalay fiidkii fasax inuu ka bilaawday Delhi iyo Punjab weliba fasaxaas maantana wuu ka faa’iideesan doonaa.

Filimka Bala wuxuu Isniintiisa kowaad ka lacag badiyay Ayushmann isla filimkiisii Dream Girl oo keenay 7.20 Crore Isniintiisii kowaad sida darteed Isniintiisa kowaad sida adag uu filimkan isku celiyay waxay ka dhigan tahay inuu ganacsi ahaan hiigsan karo halka ay gaareen labada filim Dream Girl iyo Chhichhore kuwaas oo Super Hit noqdeen balse Bala waxaa laga rabaa todobaadkiisa labaad inuu si adag usii gadmo.

Bala haatan si sahlan ayuu HIT ku noqonaa madaama maanta fasax qaran ka jiro dhanka Waqooyiga Hindiya xili loo dabaal dagayo feestada Guru Nanak Jayanti sidoo kalena gobolada kalena fasaxan wuu ka jiraa sidaa darteed Ayushmann Khurrana mashruuciisa hirgalay asigoo mudo afar maalmood 50.25 Crore ku keenay si sahlan ayuu darajada 100 Crore ku gaari doonaa.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Bala iyo mudo afar maalmood ah ganacsiga uu sameeyay soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Jimco – 9.50 Crore

Sabti – 15 Crore

Axad – 17.75 Crore

Isniin – 8 Crore

Wadarta Guud – 50.25 Crore (Trade Figure)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here