Rasmi; filimka Bala oo Super Hit noqday iyo filimkaan oo tiyaatarada laga dajiyay iyo ganacsiga uu ku sameeyay mudo 6 isbuuc.

0
615

Mashruuca hirgalay ee Bala isla markaasna uu hogaamiyaha ka yahay jilaaga dhalinta yar misna sanadahaan dambe fariimaha cajiibka la imaanayo ee Ayushmann Khurrana ayaa haatan si rasmi looga dajiyay tiyaatarada India.

Filimka Bala ayaa si rasmi looga dajin doonaa tiyaatarada India wixii isbuucaan ka dambeeyo asigoona filimkaan noqday  misna gaaray darajada Super Hit waana filimkii sadaxaad ee u guuleysto jilaagaan Ayushmannn Khurrana sanadkaan kadib guushii ay gaareen filimada Dream Girl iyo Article 15.

Filimka Bala ayaa cimri ahaantiisa keenay 111 crore nadiif ah waana filimkii labaad ee lacagaha ugu badan usoo xareeyo jilaagaan kadib filimka Dream Girl oo isla sanadkaan keenay 139.37 crore.

Halkaan hoose kaga bogo filimka Bala iyo mudo 6 isbuuc ku dhawaad ganacsiga uu sameeyay;

Week 1; 69.22 crore.

Week 2; 25.84 crore.

Week 3; 10.05 crore.

Week 4; 4.73 crore.

Week 5; 82 lakh.

Week 6; 20 lakh mudo 3 maalmood ah/

Wadarta guud; 110,86 crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here