Atooraha aan la buun buunin balse qaab jilinkiisa wacan yahay Nithiin ayaa ciwaanada Koonfur Hindiya heesto gaar ahaan Telugu ama Tollywood madaama filimkiisa Bheeshma lagu soo fasaxay Internet-ka lagana daawanayo labada barood ee caanka ah Sun NXT iyo Netflix siweyna baraha bulshada loogu hadal haayo.

Filimka Bheeshma waxaa tiyaatarada la saaray 21 Feb 2020 wuxuuna noqday Blockbuster weyn oo macaash badan laga helay madaama daawadayaasha fariintiisa si wanaagsan kaga heleen weliba ganacsigiisa wuu sii socon lahaa balse tiyaatarada Hindiya oo la xiray todobaadkii labaad ee bishii Maarso ayaa caqabad ku noqotay filimkan.

Filimka Bheeshma Nithiin waxaa ku wehlisay atirishada lagu magacaabo Rashmika Mandanna halka Venku Kudumala uu Director ka ahaa wuxuuna soo xareeyay cimri ahaantiisa 48 Crore ganacsigiisa dibad iyo dal waxayna qolyaha cajaladaha qeybiyaan saami ahaan ka heleen 28.52 Crore ayagoo markii hore ku iibsadeen 22.70 Crore taasi oo ka dhigan 125% lacagihiisa dib usoo celiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here