Inaba caadi ma ahan Superstar Vijay filimkiisa Bigil maalinta kowaad gudaha Hindiya iyo suuqyada caalamka ganacsi weyn ayuu ka sameeyay wuxuuna mashruucan ku bilaawday si xawaare ku dheehan weliba shalay oo Jimco ahay waxay ahayd maalin shaqo haddana Bigil 100% ayuu kaga furmay Tamil Nadu halka Telugu uu ka gaaray 75%.

Filimka Bigil maalintiisa kowaad Tamil Nadu xarunta laga leeyahay mashruucan wuxuu ka keenay 25 Crore canshuurta ka hor halka lacagta nadiifka uu ka keenay ay tahay 23 Crore waana bilaabasho waali ah oo uu Vijay suuqan ka sameeyay.

Sidoo kale dhul weynaha Telugu AP/Nizam maalinta kowaad ganacsi adag ayuu ka sameeyay wuxuuna kasoo xareeyay 4 Crore canshuurta ka hor waxaana xusid mudan in gudaha Hindiya maalinta kowaad uu filimkan hirgalay ka keenay 39.20 Crore dhamaan luqadaha kala duwan lagu daawaday canshuurta ka hor.

Filimka Bigil suuqyada caalamka soo dhaweyn heer sare ah ayuu ka helay maalinta kowaad wuxuuna kasoo xareeyay 22.33 Crore taasi oo ka dhigan mashruucan sida weyn u gadmaayo maalintiisa kowaad ganacsigiisa dibad iyo dal marka la isku daro inuu keenay 61.63 Crore ($8.69m) wuxuuna noqday filimka 4-aad ee Kollywood ama Tamil sameeyeen ugu bilaabashada wanaagsan kaliya 2.0, Kabali iyo Sarkar ayaa ka bilaabasho wanaagsan.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Bigil maalintiisa kowaad suuq walbo ganacsiga uu ka sameeyay dibad iyo dalna si heer sare ah ayuu kaga gadmay filimkan:

Tamil Nadu – 25 Crore

Telugu AP/Nizam – 4.10 Crore

Karnataka – 4 Crore

Kerala – 4.70 Crore

Hindiya inteeda kale – 1.50 Crore

Wadarta Gudaha Hindiya ganacsigiisa – 39.20 Crore

Suuqyada caalamka – 22.33 Crore

Wadarta Guud ganacsigiisa dibad & dal – 61.63 Crore

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here