Waxaa si rasmi ah loo soo daabacay Superstar Vijay iyo filimkiisa Bigil mudo afar maalmood ah ganacsiga uu sameeyay dibad iyo dal oo lasoo Update gareeyay asigoo haatan 170 Crore ku dhawaad soo xareeyay waana lacago waali ah mudada gaaban u tiyaatarada saaran yahay.

Bigil wacdaraha ugu weyn wuxuu ka dhigayaa gobolka Tamil Nadu wuxuuna kasoo xareeyay 79 Crore canshuurta ka hor halka gobolka Telugu uu isagana ka noqday mashruuc guuleestay madaama uu kasoo xareeyay 12.65 Crore asigoo Af Telugu lagu daawanayo.

Saameynta ugu weyn wuxuu ka sameenayaa suuqyada caalamka madaama mashruucan mudo afar maalmood ah daafaha caalamka uu ka keenay 54.89 Crore waana Blockbuster aan loo dhawaan karin dhanka suuqyada caalamka.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Bigil iyo suuq walbo lacagaha uu ka keenay mudo 4-maalmood ah ayadoo xogtaan lasoo Update gareeyay:

Gobolka Tamil Nadu – 79 Crore

Gobolka Telugu – 12.65 Crore

Gobolka Karnataka – 12.50 Crore

Gobolka Kerala – 12.18 Crore

Hindiya inteeda kale – 2.25 Crore

Gudaha Hindiya Wadarta Guud Lacagaha Uu Ka Keenay – 118.58 Crore

Daafaha caalamka – 54.89 Crore

Wadarta Guud Dibad & Dal Lacagaha Uu Keenay – 173.47 Crore

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here