Tani waa awooda Superstar Vijay oo aysan cidna hor istaagi karin madaama filimkiisa Bigil mudo labo maalmood ah ganacsigiisa diba diyo dal la isku daray darajada 100 Crore kaga talaabay!

Filimka Bigil wacdaro aan caadi ahayn ayuu ka dhigayaa gobolka Tamil Nadu ee ah xarunta laga leeyahay madaama labo maalmood uu halkaas kaga soo xareeyay 45.60 Crore sidoo kale dhul weynaha Telugu si heer ah ayuu kaga gadmayaa wuxuuna keenay halkaas mudo labo maalmood ah 7.20 Crore.

Filimka Bigil gudaha Hindiya mudo labo maalmood ah wuxuu kaga soo xareeyay 69.29 Crore ($9.78m) waana ganacsiga canshuurta ka hor ama waxa loo yaqaan Gross Money ayadoo filimka Bigil uu si dhaqsi ah HIT ku noqon rabo welina wey usii harsan yihiin fasaxyada waa weyn ee muhiimka ah ee bilaaban doonaan Isniinta.

Balse Bigil waxaa la celin weesan yahay ganacsigiisa suuqyada caalamka madaama mudo labo maalmood ah daafaha caalamka kaga keenay 31.53 Crore ($4.45m) wuxuuna filimkan ganacsigiisa dibad iyo dal la isku daray mudo labo maalmood kusoo xareeyay 100.85 Crore ($14.23m).

Waxaa xusid mudan in filimka Bigil Waqooyiga Ameerika ama USA Boxoffice ganacsi xad dhaaf ah ka sameenayo wuxuuna mudo labo maalmood ah halkaas kaga lacag badiyay filimka weyn Housefull 4 ee Akshay Kumar hogaamiye ka yahay. Bigil wuxuu USA Boxoffice kasoo xareeyay ilaa iminka $791,263 [5.60 Crs] halka Housefull 4 uu suuqan ka keenay $662,961[4.70 Crs].

Fadlan hoos kaga bogo filimka Bigil mudo labo maalmood ah suuq walbo ganacsiga uu ka sameeyay dibad iyo dalna si heer sare ah ayuu kaga gadmay filimkan:

Tamil Nadu – 45.60 Crore

Telugu AP/Nizam – 7.20 Crore

Karnataka – 7.15 Crore

Kerala – 7.52 Crore

Hindiya inteeda kale – 1.85 Crore

Wadarta Gudaha Hindiya ganacsigiisa – 69.29 Crore

Suuqyada caalamka – 31.53 Crore

Wadarta Guud ganacsigiisa dibad & dal – 100.85 Crore

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here