Filimka cabsida badan ee hirgalay Raju Gari Gadhi 3 ayaa ganacsi wanaagsan sameeyay sedexdiisa maalmood ee ugu horeesay waxaana hogaamiyaal ka ah Ashwin Babu iyo Avika Gor ayadoo horey labadii qeybood looga sameeyay noqdeen kuwa guuleesteen aadna loo jeclaaday.

Haddaba Raju Gari Gadhi 3 oo Jimcadii aan kasoo gudubnay tiyaatarada la saaray waxaa u suura gashay filimka Telugu ama Tollywood ah inuu keeno 5.90 Crore sedexdiisa maalmood ugu horeyso ganacsigiisa dibad iyo dal.

Waxaa xusid mudan filimka Raju Gari Gadhi 3 in saami ahaan 3.70 Crore waxayna ku iibsadeen markii hore 4 Crore taasi oo ka dhigan in 92.50% lacagtiisa soo celiyay waa filim guuleestay oo todobaadkan gudihiisa HIT noqonaayo madaama miisaaniyad xadidan lagu sameeyay qiimo jabana kooxda cajaladaha qeybiyaan ku iibsadeen.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Raju Gari Gadhi 3 iyo mudo sedex maalmood ah ganacsiga uu suuq walbo ka sameeyay soona daabacday shabakada Andhra Boxoffice (ABO):

Dhul weynaha Telugu AP/Nizam wuxuu ka keenay 5.30 Crore, saamiga laga helay 3.47 Crore

Gobolka Karnataka wuxuu ka keenay 0.40 Crore, saamiga laga helay 0.18 Crore

Dunida inteeda kale wuxuu ka keenay 0.15 Crore, saamiga laga helay 0.05 Crore

Wadarta Guud Lacagaha Uu Keenay Dibad & Dal 5.90 Crore, Saamiga Guud Laga Helay 3.70 Crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here