
Waan ka xunahay Deepika Padukon filimkeeda Chhapaak ganacsi wanaagsan ma sameenayo inkastoo labadii maalmood ugu dambeesay Hindiya feestooyin ka jireen wuxuuna filimkan keenay 2.25 Crore (Trade Figure) Arbacadiisa kowaad waxayna ka dhigan tahay mudo lix maalmood ah inuu filimkan soo xareeyay 24.50 Crore (Trade Figure) sida shabakada Boxoffice India (BOI) soo daabacday waana ganacsi aad u liito.
Waxaa muuqato in filimkan todobaadkiisa kowaad 26 Crore ilaa 26.50 Crore keeni doono kadibna cimri ahaantiisa ma dhaafi doono 35 Crore waana ganacsigii laga filaayay sedexdiisa maalmood ugu horeyso inuu mashruucan sameeyo balse haatan sida guud Deepika filimkan ay hogaamiye iyo soo saare ka ahayd wuu ka fashilmay waxaana siweyn kaga saameyn badiyay filimka Tanhaji oo heesto tiyaatarada Single Screens iyo Multiplex.
Fadlan hoos kaga bogo filimka Chhapaak iyo lixdiisa maalmood ugu horeyso lacagaha uu keenay soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):
Jimco – 4.50 Crore
Sabti – 6.50 Crore
Axad – 7 Crore
Isniin – 2 Crore
Talaado – 2.25 Crore
Arbaco – 2.25 Crore
Wadarta Guud – 24.50 Crore (Trade Figure)