Shraddha Kapoor iyo Sushant Singh Rajput filimkooda Chhichhore  maba hakanaayo markaana Arbacadiisa kowaad wuxuu keenay 7 Crore ($980k) waa ganacsi la mid ah midkii uu sameeyay Jimcadiisa kowaad inta badana waa naadif filim maalintiisa kowaad ganacsiga uu sameeyay mid la mid ah inuu la imaado maalintiisa lixaad uu tiyaatarada saaran yahay.

Filimka Chhichhore mudo 6-maalmood ah wuxuu keenay 59.50 Crore ($8.33m) waxaana muuqato in todobaadkiisa kowaad uu keeni doono 66 Crore wuxuuna tirsiga hal todobaad ka lacag badin doonaa filimadii sanadka hore wacdaraha dhigeen sida Raazi, Stree iyo Badhaai Ho waana arin muujineyso in Chhichhore wax walbo laga filan karo Boxoffice-ka ka sameeyo.

Filimka Chhichhore hubanti ahaan Super HIT ayuu noqonaa haddii uu ganacsigiisa sidaan kusii socdana todobaadka labaad ayuuba Blockbuster noqon doonaa waana mashruuc hirgalay oo magaalooyinka waa weyn ee hormarsan iyo magaalooyinka aan hormarsaneyn si isku mid ah kaga gadmaayo.

Fadlan hoos kaga bogo mudo 6-maalmood ah ganacsiga uu sameeyay Chhichhore soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Jimco – 7 Crore

Sabti – 12 Crore

Axad – 16 Crore

Isniin – 7.75 Crore

Talaado – 9.75 Crore

Arbaco – 7 Crore

Wadarta Guud – 59.50 Crore (Trade Figure)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here