Sushant Singh Rajput iyo Shraddha Kapoor filimkooda Chhichhore ayaa Boxoffice-ka wacdaro xoogan ka dhigaayo wuxuuna keenay 22.50 Crore (Trade Figure) todobaadkiisa sedexaad.

wuxuuna noqday filimka sedexaad ee todobaadkiisa sedexaad lacagaha ugu badan soo xareeyo sanadkan kaliya Uri – The Surgical Strike (37.06 crore nett) iyo Kabir Singh (36.51 crore nett ayaa ganacsi badan todobaadka sedexaad wuxuuna filimkan ka lacag badiyay filimada waa weyn sida Super 30, Mission Mangal, Total Dhamaal iyo Kesari ganacsiga ay todobaadk sedexaad sameeyeen.

Filimka Chhichhore mudo sedex todobaad ah wuxuu soo xareeyay wadar ahaan 128 Crore (Trade Figure) sida shabakada BOI soo daabacday waana hubanti inuu dhaafi doono Gully Boy (134 Crore) oo haatan ah filimka 9-aad lacagaha ugu badan soo xareeyo 2019.

laakiin ma gaari doono filimada Kesari, Total Dhamaal, Saaho (Hindi) iyo Super 30 oo ganacsigooda u dhaxeeyo 147 Crore ilaa 151 Crore.

Sida muuqato todobaadkiisa afaraad ganacsi kale oo heer sare ah ayuu sameyn doonaa Chhichhore laakiin mudo 5 maalmood ah ayuu heestaa madaama filimka War arbacada nagu soo fool leh tiyaatarada la wareegi doono.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Chhichhore iyo mudo sedex todobaad ah ganacsiga nadiifka ah uu sameeyay soona daabacday shabakada BOI:

Todobaadka kowaad – 66.84 Crore

Todobaadka labaad – 38.79 Crore

Todobaadka sedexaad – 22.65 Crore

Wadarta Guud – 128.28 Crore (Trade Figure)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here