Sushant Singh Rajput iyo Shraddha Kapoor filimkooda Chhichhore waa hirgalay madaama 42% hoos u dhac kaliya uu sameeyay ganacsi ahaan todobaadkiisa labaad halka aflaanta waa weyn xitaa 50% haddii ay hoos u dhac sameeyaan todobaadkooda labaad guul weyn u tahay wuxuuna filimkan keenay 38.75 Crore ($5.46m) waxayna ka dhigan tahay mudo labo todobaad ah inuu filimkan soo xareeyay 106 Crore ($14.94m).

Chhichhore noqday filimka 4-aad ee sanadkan 2019 lacagaha ugu badan soo xareeyo todobaadkiisa afaraad kaliya filimada Kabir Singh, Uri – The Surgical Strike iyo Mission Mangal ayaa ka badan isagana wuxuu dhaafay filimada Super 30 iyo Total Dhamaal ganacsigooda todobaadka labaad sidoo kalena wuxuu noqday filimka 6-aad ee sanadkan darajada 30 Crore ka talaabo todobaadkiisa labaad.

Filimka Chhichhore wuxuu noqday Super HIT sidoo kalena waa filimka 10-aad ee lacagaha ugu badan sanadkan soo xareeyo haatana yoolkiisa wuxuu yahay sida uu 130 Crore kaga talaabi lahaa inkastoo 140 Crore uusan gaari karin wuxuuna rabaa inuu ganacsi ahaan dhaafo filimka Gully Boy (134 Crore) si uu u noqdo filimka 9-aad ee lacagaha ugu badan soo xareeyo 2019.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Chhichhore iyo mudo labo todobaad ah ganacsiga uu sameeyay soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Todobaadka kowaad – 66.84 Crore (rasmi)

Todobaadka labaad – 38.75 Crore (qiyaas)

Wadarta Guud – 105.59 Crore (Trade Figure)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here