
Sushant Singh Rajput iyo Shraddha Kapoor filimkooda Chhichhore maba hakanaayo madaama uu Isniin labaad keenay mashruucan 3.75 Crore ($522k) waxayna ka dhigan tahay filimkan Super HIT-ka noqday mudo 11-maalmood ah inuu kusoo xareeyay 95 Crore ($13.22m).
Filimkan hirgalay ganacsi ahaan wuxuu ka talaabay filimada De De Pyaar De, Manikarnika – Queen Of Jhansi iyo Luka Chuppi lacagaha ay sanadkan soo xareeyeen weliba mudo 11-maalmood ayuu ku dhaafay sidoo kalena aflaan kale oo waa weyn ayuu ganacsi ahaan ka talaabi doonaa todobaadyada nagu soo fool leh madaama uu yoolkiisa filimkan yahay darajada 150 Crore inuu gaaro.
Sida muuqato filimka Chhichhore todobaadkiisa labaad wuxuu keeni doonaa 38 Crore ila 39 Crore madaama haatan mudo afar maalmood ah todobaadkiisa labaad uu kusoo xareeyay 28.25 Crore xitaa loolan adag makala kulmaayo filimka Dream Girl oo si heer sare ah u gadmaayo waana arin xiiso badan oo la wada dhowri doono labadan filim midka lacag badin doono cimri ahaantooda.
Fadlan hoos kaga bogo mudo 11-maalmood ah filimka Chhichhore lacagaha uu soo xareeyay soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):
Todobaadka kowaad – 66.84 Crore
Jimco labaad – 5.25 Crore
Sabti labaad – 9.25 Crore
Axad labaad – 10.25 Crore
Isniin labaad – 3.75 Crore
Todobaadka labaad – 28.25 Crore (mudo 4-maalmood ah)
Wadarta Guud – 95.09 Crore (Trade Figure)