Sushant Singh Rajput iyo Shraddha Kapoor filimkooda Chhichhore ayaa 10.25 Crore (Trade Figure) keenay todobaadkiisa afaraad sedexda maalmood ugu horeyso wuxuuna noqday filimka 3-aad ee lacagaha ugu badan soo xareeyo todobaadkiisa afaraad sedexda maalmood ugu horeyso taariikh ahaan waxaana ka lacag badan oo kaliya isla tirsigan aflaanta Bahubali 2 iyo Uri.

Filimka Chhichhore mudo 24-maalmood ah wuxuu kusoo xareeyay 139 Crore (Trade Figure) sidoo kalena darajada 140 Crore maanta ganacsiga uu sameeyo ayuu kaga talaabaa laakiin waqti badan ma heesto madaama arbacadan filimka War tiyaatarada la wareegayo.

Chhichhore oo Super Hit noqday mudo 24 maalmood ah ganacsiga uu sameeyay soona daabacday shabakada BOI fadlab hoos kaga bogo:

Todobaadka kowaad – 66.84 Crore

Todobaadka labaad – 38.86 Crore

Todobaadka sedexaad – 23.03 Crore

Jimco afaraad – 2.25 Crore

Sabti afaraad – 4 Crore

Axad afaraad – 4 Crore

Todobaadka afaraad – 10.25 Crore (mudo 3-maalmood ah)

Wadarta guud – 138.98 Crore (Trade Figure)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here