Marnaba ma hakanaayo Sushant Singh Rajput iyo Shraddha Kapoor filimkooda Chhichhore wuxuuna keenay 9.50 Crore ($1.33m) weliba wuxuu ganacsigan weyn sameenayaa xili uu tiyaatarada heesto filimka Dream Girl oo isagana si aad u weyn u gadmaayo.

Filimka Chhichhore mudo 9-maalmood ah haatan wuxuu soo xareeyay 81.50 Crore ($11.47m) waxaana hubanti ahaana maanta oo Axad ah ganacsiga uu sameeyo ama mudo 10-maalmood ah inuu ku dhaafi doono aflaanta De De Pyaar De, Manikarnika – Queen Of Jhansi, Luka Chuppi, Batla House iyo Badla lacagaha ay cimri ahaantooda sanadkan soo xareeyeen.

Chhichhore wuxuu noqday filimka 3-aad ee ugu hanaanka wacan sanadkan 2019 qaabka ganacsiga filimada u sameenayaan maalin walbo waxaa ka hanaan wacnaa oo kaliya filimada Kabir Singh iyo Uri kuwaas oo Big Blockbuster noqdeen sidoo kalena 200 Crore ka talaabeen balse filimkan 200 Crore ma gaari doono laakiin waa macquul si waali ah inuu 150 Crore ku gaaro cimri ahaantiisa sidaasna Blockbuster ku noqdo.

Filimka Chhichhore hubanti ahaan wuu garaaci doonaa filimka Stree, Raazi iyo Badhaai Ho ganacsiga ay sanadkii hore sameeyeen waana guul weyn oo usoo hoyotay hogaamiyaasha filimkan Shraddha iyo Sushant.

Fadlan hoos kaga bogo mudo 9-maalmood ah lacagaha uu keenay filimka Chhichhore waxaana kasoo xiganay shabakada Boxoffice India (BOI):

Todobaadka kowaad – 66.84 Crore (rasmi)

Jimco labaad – 5.25 Crore

Sabti labaad – 9.50 Crore

Todobaadka labaad – 14.75 Crore (mudo 2-maalmood ah)

Wadarta Guud – 81.59 Crore (Trade Figure)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here