Sushant Singh Rajput iyo Shraddha Kapoor filimkooda Chhichhore si qurux badan ayuu Boxoffice-ka kaga gadmayaa madaama uu Talaadadiisa labaad keenay 3.75 Crore ($525k) waxayna ka dhigan tahay wadarta guud inuu filimkan soo xareeyay 99 Crore ($13.87m) ganacsi qarka u saaran sida shabakada Boxoffice India (BOI) soo daabacday inkastoo kooxda iska leh shaaca ka qaadeen filimkan darajada 100 Crore ($14.01m) wax weyn farqi ahna uma dhaxeeyo 1 Crore waa farqi la aqbali karo.

Chhichhore haatan Super HIT waxaana la eegi doonaa haddii uu Blockbuster noqon karo oo uu darajada 150 Crore gaari karo balse midaas ma sahlano madaama filimka Dream Girl uu loolan ku haayo sidoo kalena Jimcadan filimada The Zoya Factor, Pal Pal Dil Ke Paas iyo Prasthanam tiyaatarada loo qeybin doono inkastoo aysan ahayn aflaan saameyn xoogan xambaarsan haddana tiyaataro badan ayay la wareegi doonaan haddii arimahaas la eego waxay u badan tahay filimka Chhichhore ganacsigiisa inuu ku istaagi doono 135 Crore ilaa 140 Crore inta u dhaxeyso.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Chhichhore iyo mudo 12-maalmood ah ganacsiga uu sameeyay soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Todobaadka kowaad – 66.84 Crore

Jimco labaad – 5.25 Crore

Sabti labaad – 9.25 Crore

Axad labaad – 10.25 Crore

Isniin – 3.75 Crore

Talaado labaad – 3.75 Crore

Todobaadka labaad – 32 Crore (mudo 5-maalmood ah)

Wadarta Guud – 98.84 Crore (Trade Figure)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here