Waa arin xiiso badan in Shraddha Kapoor iyo Sushant Singh Rajput filimkooda Chhichhore darajada 50 Crore kaga talaabsaday mashruucan HIT-ka ah wuxuu si sahlan ku noqon doonaa Super HIT waana arin soo jiidasho badan in Shraddha labadeeda filim lab todobaad isku xigto tiyaatarada la saaray Saaho iyo Chhichhore HIT dhameestiran noqdeen.

Filimka Chhichhore waxaa u suura gashay Talaadadiisa kowaad inuu keeno 9.75 Crore ($1.36m) wuxuuna sameeyay sare u kac 25% waxaana ugu wacan shalay fasaxii maalinta Cashuura weli Hindiya gobolo badan ka jiray wuxuuna sidaas ku noqday filimka labaad ee sanadkan Talaadadiisa kowaad ganacsiga ugu wanaagsan sameeyo kaliya Uri ayaa ka badan oo keenay 9.60 Crore sidoo kale Saaho qaybtiisa Af Hindiga wuxuu keenay 8.92 Crore Talaadadiisa kowaad halka Total Dhamaal isagana keenay 8.63 Crore Talaadadiisa kowaad.

Filimka Chhichhore mudo 5-maalmood ah wuxuu kusoo xareeyay 52.50 Crore ($7.32m) waxaana muuqato in todobaadkiisa kowaad uu keeni doono 65 Crore waana filim hirgalay oo hubanti ahaan Super HIT noqonaayo sidoo kalena maal maha shaqada sanadkan 2019 aflaanta la daawaday waxaa ka bandhig wanaagsan Uri iyo Kabir Singh

Fadlan hoos kaga bogo mudo 5-maalmood ah ganacsiga uu sameeyay filimka Chhichhore soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Jimco – 7 Crore

Sabti – 12 Crore

Axad – 16 Crore

Isniin – 7.75 Crore

Talaado – 9.75 Crore

Wadarta Guud – 52.50 Crore (Trade Figure)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here