Xili dahabi ah ayay fanka Hindiya bartanka kaga jiraan madaama filim walbo haatan tiyaatarka lasoo gaaro ganacsi adag sameenayo waxaaba ugu daran in Shraddha Kapoor iyo Sushant Singh Rajput filimkooda Chhichhore haatan mudo 10-maalmood ah darajada 90 Crore kaga talaabay!

Filimka Chhichhore todobaadkiisa labaad sedexda maalmood ugu horeyso wuxuu keenay 24.50 Crore ($3.42m) wuxuuna noqday filimka 4-aad ee lacagaha ugu badan 2019 soo xareeyo sedexdiisa mlaamood ugu horeyso todobaadkiisa labaad kaliya filimada Kabir Singh, Uri – The Surgical Strike iyo Mission Mangal ayaa kabadan sidoo kalena hubanti ahaan HIT-ka 4-aad ugu weyn 2019 sameeyaan Bollywood-ka ayuu filimkan noqonayaa.

Filimka Chhichhore mudo 10-maalmood ah wuxuu kusoo xareeyay 91.34 Crore ($12.77m) sidoo kalena waxba lama ahan 100 Crore oo si dhaqsi ah ayuu kaga talaabaa haatana filimkan wuxuu yoolkiisa yahay inuu 150 Crore gaaro sidaasna Blockbuster ku noqdo.

Filimka Chhichhore ganacsiga ugu wanaagsan Delhi/UP ayuu ka sameenayaa wuxuuna ilaa iminka ka keenay 23 Crore halka Mumbai uu kasoo xareeyay 27 Crore inkastoo ka badan inuu ka keeno laga filaayay balse Mumbai iyo Pune marka laga soo tago magaalooyinka kale ganacsi dhex dhexaad ah ayuu ka sameenayaa.

Filimka Chhichhore waxba uma arko loolanka culus uu kala kulmaayo filimka Dream Girl waxaana xiiso badan labadan filim cimri ahaantooda midka ganacsi badin doono waana arin indhaha lagu wada heyn doono ilaa laga gaarayo 2 October markaas oo tiyaatarada la wareegi doono filimka weyn War ee Hrithik Roshan iyo Tiger hogaamiyaal ka yihiin.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Chhichhore iyo mudo 10-maalmood ah ganacsiga uu sameeyay soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Todobaadka kowaad – 66.84 Crore (rasmi)

Jimco labaad – 5.25 Crore

Sabti labaad – 9.25 Crore

Axad labaad – 10 Crore

Todobaadka labaad – 24.50 Crore (mudo 3-maalmood ah)

Wadarta Guud – 91.34 Crore (Trade Figure)

Dhinaca kale kooxda filimkan iska leh iyo mudo 10-maalmood ganacsiga uu sameeyay oo ay shaaca ka qaadeen fadlan hoos kaga bogo:

Todobaadka kowaad – 68.83 Crore

Jimco labaad – 5.34 Crore

Sabti labaad – 9.42 Crore

Axad labaad – 10.47 Crore

Todobaadka labaad – 25.23 Crore (mudo 3-maalmood ah)

Wadarta Guud – 94.06 Crore (Producer Figure)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here