Inaba caadi ma ahan Shraddha Kapoor iyo Sushanti Singh Rajput filimkooda Chhichhore ayaa ganacsi adag sameeyay Jimcadiisa labaad wuxuuna keenay 5.25 Crore ($739k) waxayna ka dhigan tahay mudo 8-maalmood ah filimkan inuu soo xareeyay 72 Crore ($10.13m) sida shabakada Boxoffice India (BOI) soo daabacday.

Filimka Chhichhore kaliya 30% ayuu sameeyay hoos u dhac ah marka lala bar bar dhigo maalintiisii 7-aad ganacsiga uu sameeyay halka 25% hoos u dhac uu sameeyay marka lala bar bar dhigo Jimcadiisii kowaad lacagaha uu keenay waa astaan muujineyso in filimkan si sahlan ku hakan doonin ilaa laga gaaray 2 October markaas oo tiyaatarada la wareegi doono filimka weyn War ee Hrithik iyo Tiger hogaamiyaal ka yihiin.

Waxaa muuqato in Chhichhore uu dhaafi doono Sushant filimkiisa lacagaha ugu badan soo xareeyay M.S. Dhoni – The Untod Story kaasi oo 119 Crore keenay waana arin xiiso badan sidoo kalena mashruucan wuxuu Shraddha Kapoor ka caawin doonaa awood ahaan inay soo rogaal celiso madaama Saaho horey HIT ugu noqday haatana Chhichhore u badan tahay inuu Blockbuster noqon doono.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Chhichhore iyo mudo 8-maalmood ah ganacsiga uu gudaha Hindiya ka sameeyay soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Todobaadka kowaad – 66.75 Crore

Jimco labaad – 5.25 Crore

Wadarta Guud – 72 Crore (Trade Figure)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here