Sushant Singh Rajput iyo Shraddha Kapoor filimkooda Chhichhore ayaa sare u kac waali ah sameeyay maalintiisa labaad oo ah 70% wuxuuna keenay 12 Crore ($1.67m) sida shabakada Boxoffice India (BOI) soo daabacday weliba magaalooyinka waa weyn ayuu sare u kac lixaad leh filimkan ka sameeyay.

Chhichhore mudo labo maalmood ah wuxuu soo xareeyay 19 Crore ($2.65m) waana filim guuleestay ayadoo usii harsan tahay maanta oo Axad ah wuxuuna sameyn doonaa markale sare u kac xoogan madaama qoysaska iyo dhalinyarada maanta firaaqo heestaan.

Filimka Chhichhore wuxuu noqon doonaa HIT dhameestiran haddii maal maha shaqada laga bilaabo Isniin ilaa Khamiis uu ganacsi ahaan is celiyo madaama miisaaniyad xadidan uu xambaarsan yahay sidoo kalena filimkan fariintiisa aad loo amaanayo.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Chhichhore iyo mudo labo maalmood ah ganacsiga wanaagsan uu sameeyay soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Jimco – 7 Crore

Sabti – 12 Crore

Wadarta Guud – 19 Crore (Trade Figure)

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here