Sushant Singh Rajput iyo Shraddha Kapoor filimkooda Chhichhore ayaa ganacsi heer sare ah sameeyay todobaadkiisa kowaad wuxuuna keenay 67 Crore ($9.44m) sida shabakada Boxoffice India (BOI) soo daabacday mashruucan waa Super HIT wuxuuna ku socdaa sidii uu Blockbuster ku noqon lahaa.

Waxaa la yaab ah in Chhichhore todobaadiisa maalmood ugu horeyso ganacsi ahaan in maalinta kowaad uu ugu ganacsi hooseeyay mana ahan arin horey loo arkay in maalintiisa kowaad ganacsi ahaan uu ka hooseeyo maalintiisa 7-aad balse Chhichhore ayaa sidaas sameeyay!

Filimka Chhichhore wuxuu loolan kala kulmi doonaa filimka lagu magacaabo Dream Girl oo ay isku daawadayaal yihiin madaama labadan filim 15 ilaa 20-ka magaalo Hindiya ugu weyn laga daawanayo waxaana macquul ah in Dream Girl saameyn ku yeesho ganacsi ahaan Chhichhore laakiin ma ahan arin wax u dhimi doonto madaama uuba todobaadkiisa kowaad HIT dhameestiran ku noqday.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Chhichhore iyo 7-maalmood ugu horeesay ganacsiga uu sameeyay soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Jimco – 7 Crore

Sabti – 12 Crore

Axad – 16 Crore

Isniin – 7.75 Crore

Talaado – 9.75 Crore (maalinta canshuura fasaxeedii)

Arbaco – 7 Crore

Khamiis – 7.25 Crore (feestada Ganpati fasaxeedii)

Wadarta Guud – 66.75 Crore (Trade Figure)

Dhinaca kale kooxda filimka Chhichhore iska leh waxay shaaca ka qaadeen inuu mashruucan hal todobaad ku keenay 68.83 Crore (Producer Figure) waana arin wanaagsan farqi weyn uma dhaxeeyo kooxda filimkan iska leh lacagaha ay baahinayaan iyo shabkaada Boxoffice India (BOI) lacagaha ay shaaca ka qaaday hal todobaad inuu Chhichhore keenay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here