Waxaan horey idin kula wadaagnay in Varun Dhawan iyo Sara Ali Khan filimkooda Coolie No. 1 si Online ah looga daawan doono barta Amazon Prime dabyaaqada sanadkan haatana waxaa shaaca laga qaaday in sidoo kale filimkan la saari doono tiyaatarada gudaha Hindiya ku yaalo gaar ahaan kuwa Single Screens-ka loo yaqaan inta badana ay u daawasho tagaan dadka dabaqada dhexe iyo hoose ah.

Filimka Coolie No. 1 waxaa la qorsheenaa in la daawan doono 25 December 2020 ama todobaadka feestada ciida Masiixiga sidaa darteed wey ku farxeen qolyaha iska leh tiyaatarada iyo kuwa cajaladaha qeybiyaan ogolaansho ka heleen shirkada Amazon Prime Video in filimkan mada daalada dhameestiran leh tiyaatarada laga daawado isla maalinta si Online ah Internet-ka loogu soo fasaxaayo.

Coolie No. 1 waa filimka 45-aad ee uu agaasimo Director David Dhawan kaasi oo fanka Hindiya ku weyn sidoo kalena dhamaadkii 80-maadkii bilaabay agaasinka filimada sidaa darteed filim sameeyahan isagana wuxuu ku farxay dadka jecel afaalntiisa shactirada, jah wareerka iyo heesaha wacan inay fursad u heli doonaan filimkiisa Coolie No. 1 inay tiyaatarada ka daawadaan dhamaadka sanadkan.

Waxaa la rajeenaa todobaadka dambe ama Isniinta nagu soo fool leh in goos gooska filimka Coolie No. 1 lasoo bandhigo sidoo kalena todobaadkii hore Varun iyo Sara waxay wada duubeen muuqaalo filimkan xayeysiin loogu sameenayo oo dhawaan TV-yada laga daawan doono si filimkan hadal heyntiisa sare loogu qaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here