Rasmi; filimka Dabangg 3 iyo lacagahii uu maalintii shalay aheyd keenay.

0
754

Filimka Dabangg 3 sidaas saakay idinku soo wargalinay qiyaasta xili hore waxay lacagihiisa aheyd 22 ilaa 24 crore lacago u dhaxeeyo waxaana dhacday sidii la qiyaasayay oo filimkaan shalay wuxuu keenay 22.50 crore.

Dabangg 3 ayaa ganacsigiisa waxaa ka dhumay lacago u dhaxeeyo 6 ilaa 8 crore kuwaasoo uu filimkaan la imaan lahaa hadii aysan rabshado dhici laheyn qiyaas ahaana maalinta koowaad 30 crore ayaa laga filaayay balse waxaa ka jarmatay 7.50 crore.

Sida muuqata lacagaha uu keenay ee 22.50 crore waa kuwa liita markii loo fiiriyo filim sidaan u weyn inuu yahay (Low for such a big film) hadana markii dhinaca kale laga fiiriyo iyo caqabadihii uu filimkaan maalmahaan wajahay waxay ka dhigantahay in lacagtaan tahay Good Number.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here