Home » Box Office » Rasmi: filimka Deadpool 2 iyo mudo sedex maalmood ganacsiga uu gudaha Hindiya ka sameeyay

Rasmi: filimka Deadpool 2 iyo mudo sedex maalmood ganacsiga uu gudaha Hindiya ka sameeyay

Filimka Hollywood-ka ah Deadpool 2 ayaa hoos u dhac aan laga fileyn sameeyay maal maha sabtiga iyo axada wuxuuna kaliya ganacsi adag sameeyay maalintiisii kowaad oo Jimco ahayd.

Deadpool 2 wuxuu keenay 27.50 Crore (Trade Figure) sedexdiisa maalmood ee ugu horeyso laakiin fagta kowaad sidii uu ku furmay haddii laga cabir qaato waxaa la islahaa 40 Crore ayuu ka talaabsan doonaa sedexdiisa maalmood ee ugu horeyso.

Deadpool 2 waxaa fashilay ganacsigiisa Af Hindiga, Tamil iyo Telugu lagu daawanayo oo aad u hooseeyo kaliya qaybta Af Ingiriiska lagu daawanayo ayaa gadmeyso mana ahan arin wanaagsan.

Waxaa xusid mudan qaybta Af Hindiga lagu daawanayo 10 Crore xitaa gaari weesay sedexda maalmood ee ugu horeyso ganacsi ahaan waana fashil weyn.

Fadlan hoos kaga bogo sedexda maalmood ee ugu horeyso Deadpool 2 ganacsiga uu gudaha Hindiya ka sameeyay sida ay soo daabacday shabakada BOI:

Jimco – 9.50 Crore

Sabti – 8.75 Crore

Axad – 9.25 Crore

Wadarta Guud – 27.50 Crore (Trade Figure)