Rasmi: filimka Deadpool 2 oo hoos u dhac sameeyay sabtigiisa labaad ganacsigiida gudaha Hindiya

Filimka Hollywood-ka ah Deadpool 2 ayaa hoos u dhac sameeyay ganacsi ahaan maalintiisa labaad wuxuuna keenay 8.75 Crore (Trade Figure) waxayna la micno tahay in 5% ilaa 10% hoos u dhac uu sameeyay.

Dhibaatada Deadpool 2 heesato waxay tahay qaybtiisa Af Hindiga lagu codeeyay, Tamil iyo Telugu sidoo kalena lagu codeeyay dad badan ma daawanayaan wuxuuna ganacsigiisa ku tiirsan yahay luqada Ingiriiska lagu daawanayo taasi oo ka dhigtay filim magaalooyinka waa weyn ka gadmaayo oo kaliya.

Dhawaanahan wey adag tahay in la arko filim sabtigiisa kowaad hoos u dhac sameenayo madaama filimada maal maha sabtiga iyo axada ku tashtaan sare u kacna sameeyaan.

Deadpool 2 labada maalmood ee ugu horeyso wuxuu soo xareeyay 18.25 Crore (Trade Figure) laakiin hoos u dhaca uu sabtigii sameeyay ayaa cabsi keentay taasi oo ah in maal maha shaqada Isniin ilaa Khamiis ganacsigiisa mid adag noqon doonin.

Fadlan hoos kaga bogo labada maalmood ee ugu horeyso Deadpool 2 ganacsiga uu gudaha Hindiya ka sameeyay soona daabacday shabakada BOI:

Jimco – 9.50 Crore

Sabti – 8.75 Crore

Wadarta Guud – 18.25 Crore (Trade Figure)