Shabakada Boxoffice India (BOI) waxay waqti u heleysaa Update gareenta iyo sixitaanka filimadii sanadii 2018 soo baxeen madaama shabakadan haatan ku mashquulsaneyn dabagalka aflaanta masraxa saaran waayo tiyaatarada Hindiya waa kuwo xiran.

Sidaa darteed BOI waxay soo daabacday xogta dhameestiran filimka Dhadak ee Ishaan Khattar iyo Jahnvi Kapoor lagu soo caan bixiyay wuxuuna noqday filim HIT ah oo macaash laga helay. Fadlan hoos kaga bogo macluumaadka filimkan oo dhameestiran laguna soo daabacay keedka BOI:

Jilaayaasha: Ishaan Khattar, Jahnvi Kapoor, Ashutosh Rana iyo Ankit Bisht

Director: Shashank Khaitan

Waqtiga la daawaday: 20 July 2018

Tiyaatarada la saaray: 2350

Nidaamka uu ku furmay: Si dhex dhexaad ah (Average Opening)

Maalinta kowaad ganacsigiisa: 8.75 Crore

Sedexda maalmood ugu horeyso: 33.32 Crore

Todobaadka kowaad – 51.31 Crore

Cimri ahaantiisa ganacsiga uu sameeyay: 72.39 Crore

Lacagaha lagu qarash gareeyay: 41 Crore

Saamiga laga helay qolyaha cajaladaha qeybiyaan: 34.5 Crore

Lacagaha uu keenay canshuurta ka hor: 92.26 Crore

Suqyada caalamka ganacsigiisa:$2.83m

Ganacsigiisa dibad & dal la isku daray: 111.78 Crore

Tirada tikit u goosatay gudaha Hindiya: 6-milyan & 326,000 oo qofood.

Inta todobaad uu masraxa Hindiya saarnaa: 6-todobaad ama 42-maalmood.

Natiijadiisa rasmiga ah: HIT

Qiimeynta sheekada: 4.5/10 IMDb rating

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here