Mass Maharaja Ravi Teja waqti wanaagsan kuma jiro madaama filimkiisa ugu dambeeyay Disco Raja ee soo baxay 24 Janaayo 2020 gabi ahaanba ka bur buray sidoo kalena qasaaro lixaad leh qolyaha cajaladaha qeybiyaan kala kulmeen.

Filimka Disco Raja waxaa Director ka ahaa Vi Anand halka Payal Rajput iyo Nabha Natesha atirihshooyin kowaad ka ahaayeen waana filim lagu kalsoonaa xiligii fasaxa Hindiya gaar ahaan todobaadkii Jamhuuriga inuu ganacsi wanaagsan sameyn karo laakiin sheekadiisa oo liidatay awgeed daawadayaasha waa iska diideen.

Filimka Disco Raja cimri ahaantiisa wuxuu soo xareeyay 13.84 Crore ganacsigiisa dibad iyo dal la isku daray waxayna saami ahaan ka heleen 7.46 Crore qolyaha cajaladaha qeybiyaan ayagoo markii hore ku iibsadeen 22 Crore sidaa darteed waa Disaster ama filim bur buray sedex meelood hal meel kaliya lacagtiisa soo celiyay ama 31% kaliya ayuu lacagtiisa soo celiyay halka 69% uu lumiyay lacagtii lagu iibsaday!

Filimka Disco Raja iyo lacagaha uu suuq walbo kasoo xareeyay fadlan hoos kaga bogo waana ka xunahay in Ravi Teja dhawaanahan qasaarada ku badaneyso:

Dhulweynaha Telugu AP/Nizam wuxuu ka keenay 11.25 Crore, saamiga laga helay 6.46 Crore

Hindiya+Dunida inteeda kale wuxuu ka keenay 2.60 Crore, saamiga laga helay 1 Crore

Wadarta guud Lacagtiisa Dibad & Dal 13.85 Crore, saamiga guud laga helay 7.46 Crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here