Kartik Aaryan, Janhvi Kapoor iyo Lakshya filimkooda Dostana 2 ayaa si rasmi ah duubis loogu bilaabay mashruucan Collin D’Cunha uu Director ka yahay halka Karan Johar soo saare ka yahay waana mid ka mid ah aflaanta xiisaha badan ee sanadka dambe ama 2020 la sugaayo in la daawado.

Filimka Dostana 2 waa qaybta labaad ee mashruucii hirgalay Dostana oo ay sanadii 2008 wada sameeyeen Abhishek Bachchcan, John Abraham iyo Priyanka Chopra halka Bobby Deol uu ku lahaa muuqaal marti la fidiyay haatana 11-sano kadib qaybta labaad ee filimkan shactirada badnaa ayaa la amba qaaday duubistiisa.

Duubista jadwalka kowaad filimka Dostana 2 waxay ka bilaabatay Amritsar oo gobolka Punjab kadibna marka uu jadwalkan soo idlaado waxaa lagu duubi doonaa qaybaha kale Mumbai sidoo kalena jadwal meel ka baxsan Hindiya lagu duubayo ayaa ku jiro balse lama shaacin goobaha kale ee lagu duubi doono.

Filimka Dostana 2 waxaa la sheegay in Kartik Aaryan iyo Janhvi Kapoor walaalo ku jilayaan waxaana shactiro badan inay hal wiil isla jeclanayaan kaasi oo ah Lakshya sida wararka xanta ah lagu helaayo Kartik kuwa ragga u guuxa ku matali doono laakiin weli lama xaqiijinin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here