Ayushmann Khurrana filimkiisa Dream Girl ayaa ganacsi heer sare ah sameenayo maal maha shaqada wuxuuna keenay 6.50 Crore ($912k) Arbacadiisa kowaad wuxuuna haatan wadarta guud soo xareeyay filimkan mudo lix maalmood ah 64 Crore ($8.98m) sida shabakada Boxoffice India (BOI) soo daabacday.

Filimka Dream Girl oo HIT noqday todobaadkiisa kowaad wuxuu keeni doonaa 70 Crore waana ganacsi heer sare ah kadib Jimcadiisa labaad laga bilaabo sida uu isku celiyo ayaa go’aamin doonto inuu Super HIT noqonaayo iyo ganacsi ahaan halka uu hiigsanaayo laga cabir qaadan doonaa balse hubanti ahaan 100 Crore ilaa 120 Crore wuu gaari doonaa.

Filimka Dream Girl ganacsi adag wuxuu ka sameenayaa Waqooyiga Hindiya gaar ahaan Delhi/UP lacago 20 Crore ku dhow ayuu mudo lix maalmood ah kaga soo xareeyay halka Mumbai iyo meelaha kalena uu ganacsi wanaagsan iyo dhex dhexaad isugu jiro ka sameenayo.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Dream Girl iyo mudo lix maalmood ah ganacsiga uu sameeyay soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Jimco – 9.50 Crore

Sabti – 12 Crore

Axad – 18 Crore

Isniin – 7.25 Crore

Talaado – 7.25 Crore

Arbaco – 6.50 Crore

Wadarta Guud – 64 Crore (Trade Figure)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here