Ayushmann Khurrana filimkiisa Dream Girl ayaa ganacsi heer sare ah sameeyay todobaadkiisa kowaad wuxuuna keenay ganacsi qarka u saaran 70 Crore ($9.87m) waana ganacsi ka ag dhow cimri ahaan Ayush filimkiisii Andhadhun sanadka hore inta uu soo xareeyay waxayna muujinee midaan in Dream Girl uu yahay filim fariintiisa furan tahay oo Hindiya oo idil laga daawaday todobaadkiisa kowaad.

Filimka Dream Girl sedexda maalmood ugu horeyso wuxuu keenay 43.50 Crore kadibna maba uusan hakanin madaama maal maha shaqada laga bilaabo Isniin ilaa Khamiis wadar ahaan uu mashruucan keenay 26.50 Crore sidaa darteed todobaadkiisa labaadna tiyaataro ku filan ayaa la siiyay waana hubaal in ganacsi aad u weyn sameyn doono kana talaabi doono 100 Crore.

Waxaa kaloo xusid mudan in filimka Dream Girl todobaadka kowaad ganacsigiisa Delhi/UP ku dhawaaday 20 Crore wuxuuna halkaas todobaadka kowaad kaga lacag badiyay filimada waa weyn ee sanadkan soo baxeen Total Dhamaal, Gully Boy iyo Super 30 hal todobaad ganacsiga ay ka sameeyeen.

Dream Girl oo HIT ah wuxuu todobaadka kowaad ka ganacsi badiyay filimka Super HIT-ka noqday Chhichhore  tirsiga hal todobaad marka la is bar bar dhigo laakiin Dream Girl waxaa laga rabaa sida Chhichhore oo kale inuu u gadmo todobaadkiisa labaad si uu darajada Super HIT u gaaro sidoo kalena labadan filim midka cimri ahaantiisa ganacsi badin doono waa arin kale oo xiiso badan oo u baahan in indhaha lagu haayo.

Fadlan hoos kaga bogo 7-maalmood ugu horeyso filimka Dream Girl ganacsiga uu sameeyay soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Jimco – 9.50 Crore

Sabti – 16 Crore

Axad – 18 Crore

Isniin – 7.25 Crore

Talaado – 7.25 Crore

Arbaco – 6.50 Crore

Khamiis – 5.75 Crore

Wadarta Guud – 69.75 Crore (Trade Figure)

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here