Ayushmann Khurrana filimkiisa Dream Girl ayaa ganacsi heer sare ah sameeyay todobaadkiisa sedexaad sedexda maalmood ugu horeyso wuxuuna keenay 15 Crore (Trade Figure) sida shabakada BOI soo daabacday.
Dream Girl haatan wuxuu soo xareeyay 123.07 Crore (Trade Figure) mudo 17-maalmood ah wuxuuna heestaa labo maalmood kaliya inuu ganacsi sii sameeyo waayo filimka War ayaa Arbacadan tiyaatarada la wareegayo.
Fadlan hoos kaga bogo filimka Dream Girl iyo mudo 17-maalmood ah ganacsiga uu sameeyay soona daabacday shabakada BOI:
Todobaadka kowaad – 70.12 Crore
Todobaadka labaad – 37.95 Crore
Jimco sedexaad – 3.25 Crore
Sabti sedexaad – 6 Crore
Axad sedexaad – 5.75 Crore
Todobaadka sedexaad – 15 Crore (mudo 3-maalmood ah)
Wadarta Guud – 123.07 Crore (Trade Figure)