Ayushmann Khurrana filimkiisa Dream Girl ayaa hoos u dhac sameeyay Isniintiisa sedexaad wuxuuna keenay 1.75 Crore waxayna ka dhigan tahay mudo 18-maalmood ah inuu filimkan soo xareeyay 125 Crore (Trade Figure).

Dream Girl todobaadkiisa sedexaad mudo afar maalmood ah wuxuu ku keenay 16.75 Crore waxaana muuqato inuu 20 Crore keeni doono todobaadkiisa sedexaad.

Dream Girl ganacsi ahaan ma gaari doono filimka Chhichhore oo 140 Crore ka talaabsaday sidoo kalena ma gaari doono filimkii Badhaai Ho oo 135 Crore keenay waxaa ugu wacan in berito tiyaatarada la wareegi doono filimk War.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Dream Girl iyo mudo 18-maalmood ah ganacsiga uu sameeyay soona daabacday shabakada BOI:

Todobaadka kowaad – 70.12 Crore

Todobaadka labaad – 37.95 Crore

Jimco sedexaad – 3.25 Crore

Sabti sedexaad – 6 Crore

Axad sedexaad – 5.75 Crore

Isniin sedexaad – 1.75 Crore

Todobaadka sedexaad – 16.75 Crore (mudo 4-maalmood ah)

Wadarta Guud – 124.82 Crore (Trade Figure)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here