Shabakada Boxoffice India (BOI) ayaa soo Update gareesay filimka Dream Girl ee Ayushmann Khurrana hogaamiye ka yahay mudo afar todobaad ah ganacsiga uu sameeyay madaama mashruucan Super Hit-ka noqday tiyaatarada kasii dagaayo.

Filimka Dream Girl waxaa u suura gashay todobaadkiisa afaraad inuu keeno 4.50 Crore ($633k) wuxuuna sameeyay hoos u dhac oo ay ugu wacan tahay filimka War inuu tiyaatarada siweyn u qabsaday.

Ilaa iminka mudo afar todobaad ah filimka Dream Girl wuxuu soo xareeyay 134 Crore ($18.87m) sidoo kalena ganacsi yar yar ayuu sameyn doonaa ilaa laga gaarayo 25-ka bishan October markaas oo masraxa la wareegi doono filimka weyn Housefull 4.

Filimka Dream Girl fursad uma heesto inuu filimka Chhichhore soo qabto kaasi oo marhore 140 Crore ka talaabay balse Dream Girl wuxuu noqon doonaa Ayushmann Khurrana filimkiisa lacagaha ugu badan soo xareeyo asigoo dhaafi doono filimka Badhaai Ho oo horey u keenay 134.46 Crore madaama Dream Girl 2 Crore ilaa 4 Crore kusii darsan doono inta uusan tiyaatarada ka dagin.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Dream Girl iyo mudo afar todobaad ah ganacsiga uu sameeyay soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Todobaadka kowaad – 70.12 Crore (rasmi)

Todobaadka labaad – 38.69 Crore (rasmi)

Todobaadka sedexaad – 21.06 Crore (rasmi)

Todobaadka afaraad – 4.50 Crore (qiyaas)

Wadarta Guud – 134.37 Crore (Trade Figure)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here