Ayushmann Khurrana filimkiisa Dream Girl ayaa keenay 37.75 Crore (Trade Figure) sida shabakada BOI soo daabacday wuxuuna noqday filimka 6-aad ee lacagaha ugu badan sanadkan soo xareeyo todobaadkiisa labaad.

Dream Girl haatan wuxuu keenay 108 Crore (Trade Figure) mudo labo todobaad ah sida shabakada BOI shaaca ka qaaday halka kooxda iska leh iyagana baahiyeen 110.80 Crore (Producer Figure) inuu isla mudadaas ku keenay.

Filimkan Super Hit ka noqday kaliya 46% hoos u dhac ayuu sameeyay todobaadkiisa labaad waana arin muujineyso in todobaadkiisa sedexaad ganacsi kale oo heer sare ah sameyn doono wuxuuna heestaa fursad uu ku noqon karo Ayushmann filimkiisa lacagaha ugu badan soo xareeyo kana talaabi karo Badhaai Ho (134 Crore) inkastoo filimka War 5 maalmood kadib tiyaatarada la wareegi doono.

Fadlan hoos kaga bogo Dream Girl iyo mudo labo todobaad ganacsiga uu sameeyay soona daabacday shabakada BOI:

Todobaadka kowaad – 70.12 Crore

Todobaadka labaad – 37.75 Crore

Wadarta guud – 107.87 Crore (Trade Figure)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here