Ayushmann Khurrana filimkiisa Dream Girl ayaa todobaadkiisa sedexaad ganacsi wanaagsan sameeyay wuxuuna keenay 20.50 Crore (Trade Figure) sidoo kalena wadarta guud mudo 21-maalmood ah ama sedex todobaad wuxuu keenay 128.50 Crore (Trade Figure) sida shabakada Boxoffice India (BOI) shaaca ka qaaday.

Masii socon doono filimka Dream Girl waayo waxaa tiyaatarada inta badan kala wareegay filimka War sidaa darteed filimka Badhaai Ho oo ah Ayushmann midkiisa lacagaha ugu badan soo xareeyay ma gaari doono filmka Dream Girl waayo 6 Crore ayaa haatan la dheer yahay weyna adag tahay farqigaas inuu soo yareeyo.

Sidoo kale filimka Dream Girl ganacsi ahaan masoo qaban karo mashruuca Chhichhore kaasi oo u muuqdo in 145 Crore cimri ahaantiisa ku istaagi doono.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Dream Girl iyo mudo sedex todobaad ah lacagaha uu soo xareeyay soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Todobaadka kowaad – 70.12 Crore (rasmi)

Todobaadka labaad – 37.95 Crore (rasmi)

Todobaadka sedexaad – 20.50 Crore (qiyaas)

Wadarta Guud – 128.57 Crore (Trade Figure)

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here