Ayushmann Khurrana wuu talaabsaday markaan kadib markii filimkiisa Dream Girl sedexda maalmood ugu horeyso soo xareeyay 43.50 Crore ($6.08m) wuxuuna ganacsiga ugu adag ka sameeyay dhanka waqooyi Hindiya asigoo Delhi/UP shalay oo Axad ahayd ka keenay 5 Crore si la mid ahna East Punjab wuxuu kasoo xareeyay 2 Crore, sidoo kale Hindiya inteeda kalena ganacsi wanaagsan ayuu ka sameeyay inkastoo gobolada Nizam / Andhra yo Gujarat / Saurashtra uu ganacsi ahaan ku yara liitay.

Waxaa xusid mudan in Dream Girl sedexda maalmood ugu horeyso ganacsiga uu sameeyay inuu 8.50 Crore dheer yahay filimka Chhichhore isla tirsigiisii sedex maalmood waana arin muujineyso in Ayushmann Khurrana filimkiisa waxba laga filan karo madaama Chhichhore  Super HIT noqday.

Fadlan hoos kaga bogo Dream Girl iyo sedexda maalmood ugu horeyso lacagaha uu keenay soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Jimco – 9.50 Crore

Sabti – 16 Crore

Axad – 18 Crore

Wadarta Guud – 43.50 Crore (Trade Figure)

Dhinaca kale kooxda iska leh filimka Dream Girl sedexda maalmood ugu horeyso lacagaha ay baahiyeen inu filimkan soo xareeyay fadlan hoos kaga bogo:

Jimco – 10.05 Crore

Sabti – 16.42 Crore

Axad – 18.10 Crore

Wadarta Guud – 44.57 Crore (Producer Figure)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here