Ayushmann Khurrana filimkiisa Dream Girl ayaa si adag isku celiyay Talaadadiisa kowaad wuxuuna keenay 7.25 Crore ($1.01m) waxayna ka dhigan tahay mudo 5-maalmood ah filimkan hirgalay inuu soo xareeyay 57.50 Crore ($8.06m) sida shabakada Boxoffice India (BOI) soo daabacday.

Sida muuqato hubanti ahaan Dream Girl wuxuu todobaadkiisa kowaad soo xareen doonaa 70 Crore sidoo kalena filimkan HIT-ka noqday si uu darajada Super HIT ugu gudbo waa inuu Jimcadiisa labaad ganacsi ahaan si adag isku celiyo kadibna todobaadkiisa labaadna si heer sare ah u gadmo.

Waxaa xusid mudan in Ayushmann filimadiisi ugu dambeeeyeen Article 15 (65.17 Crore) iyo Andhadhun (73.37 Crore) ganacsiga ay cimri ahaantooda sameeyeen filimka Dream Girl hal todobaad ilaa 8-maalmood gudaheeda inuu ku dhaafi doono, balse waqti ayay kaga baahan tahay Badhaai Ho (134.46 Crore) inuu cimri ahaantiisa ganacsigii uu sameeyay ku gaaro ama kaga talaabo.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Dream Girl iyo mudo 5-maalmood ah ganacsiga uu sameeyay soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Jimco – 9.50 Crore

Sabti – 16 Crore

Axad – 18 Crore

Isniin – 7.25 Crore

Talaado – 7.25 Crore

Wadarta Guud – 57.50 Crore (Trade Figure)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here