Ayushmann Khurrana filimkiisa Dream Girl ayaa maalinta kowaad ganacsi heer sare ah sameeyay wuxuuna keenay 9.50 Crore ($1.33m) sida shabakada Boxoffice India (BOI) shaaca ka qaaday halka kooxda iska leh filimkan baahiyeen maalinta kowaad inuu keenay 10.05 Crore ($1.41m).

Dream Girl wuxuu noqday Ayushmann Khurrana filimkiisa ugu bilaabashada wanaagsan sidoo kalena maalinta kowaad ganacsiga adag uu sameeyay ayaa ka dhigtay mashruucan inuu guuleesanayo halka Sabti iyo Axad haddii uu sare u kac xoogan sameeyo si sahlan HIT dhameesiran ku noqon doono.

Shabakada BOI waxay qiratay in Ayushmann Khurrana haatan xidigaha yar (Mini Stars) inuu isaga hogaanka u qabtay madaama uu gaaracay dhalinyarada yar sida Karthik Aryan filimkiisii Luka Chuppi oo maalinta kowaad keenay 7.76 Crore iyo Vicky Kaushal oo filimkiisii Uri maalinta kowaad keenay 8.49 Crore.

Sedexdan atoore yoolkooda wuxuu yahay inay la imaadaan aflaan maalinta kowaad 10 Crore ku furmi karaan markaas waxay awood ahaan ku heer noqon doonaan John Abraham iyo Shahid Kapoor haddii ay xujadaas ka gudbaan kadib ayay xidigo dhameestiran noqon doonaan kadibna mustaqbalka Superstar usii gudbi karaan laakiin hawlan sahlan ma ahan inkastoo Ayushmann Khurrana haatan ugu fursad fiican yahay sedexdan dhalin ee saameyntooda muuqato.

Fadlan hoos kaga bogo Ayushmann Khurrana iyo 5-tiisa filim ee ugu bilaabashada wanaagsan maalinta kowaad ganacsiga ay sameeyeen:

1. Dream Girl (2019) – 9.50 Crore

2. Badhaai Ho (2018) – 7.30 Crore

3. Article 15 (2019) – 4.79 Crore

4. Nautanka Saala (2013) – 3.19 Crore

5. Shubh Mangal Saavdhan (2017) – 2.64 Crore

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here