Ayushmann Khurrana filimkiisa Dream Girl HIT inuu yahay ayay ku dhawaaqday shabakada Boxoffice India (BOI) kadib markii Isniintiisa kowaad uu ganacsi adag sameeyay wuxuuna keenay 7.25 Crore ($1m) wuxuuna soo xareeyay 50.25 Crore ($6.99m) mudo 4-maalmood ah.

Filimka Dream Girl todobaadkiisa kowaad wuxuu keeni doonaa ku dhawaad 70 Crore waa macquul 68 Crore ilaa 69 Crore inta u dhaxeyso inuu ku hakado todobaadkiisa kowaad. Waxaana xusid mudan in filimkan ganacsi ahaan Isniintiisa kowaad uu ka ganacsi hooseeyo Chhichhore laakiin filimkaas fasixii maalinta Cashuura ayaa todobaadkii hore caawiyay ganacsi ahaan.

Dream Girl ganacsi heer sare ah wuxuu ka sameenayaa dhanka Waqooyi gaar ahaan Delhi/UP iyo East Punjab madaama 15% hoos u dhac ka yar suuqaas ka sameeyay sidoo kale mashruucan darajada Super HIT ayuu u dalaci doonaa haddii uu ganacsi ahaan Jimcadiisa labaad is celiyo sidoo kalena loolan adag lama kulmi doono.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Dream Girl iyo mudo 4-maalmood ah ganacsiga uu sameeyay soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Jimco – 9.50 Crore

Sabti – 16 Crore

Axad – 18 Crore

Isniin – 7.25 Crore

Wadarta Guud – 50.25 Crore (Trade Figure)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here