Filimka weyn Ek Villian 2 mudo kadib ciwaano cusub ayaa kasoo baxeen madaama sanadkii hore mashruucan lagu dhawaaqay lana sheegay in la daawan lahaa 8 Janaayo 2021 balse ma aysan suura galin saameyntii karoonaha waxay keentay in mashruucan gabi ahaanba la hakiyo.

Sidoo kale filimkan waxaa isaga baxay Aditya Roy Kapur waxaana lagu badalay ugu dambeyntii Arjun Kapoor taasi oo ka dhigan in haatan Ek Villain 2 isla hogaamin doonaan John Abraham, Arjun Kapoor, Disha Patani iyo Tara Sutaria waxaana Director ka ah Mohit Suri halka isla maal galinayaan Ekta Kapoor iyo Bhushan Kumar.

Kooxda Ek Villian 2 maanta waxay si rasmi ah ugu dhawaaqeen in 365-maalmood kadib la daawan doono ama hal sano kadib la daawan doono laguna beegay daawashadiisa 11 Febraayo 2022 waxaana laga dhigay magaca filimkan Ek Villian Returns. Sidoo kalena dhawaan ayay duubista filimkan si rasmi ah u bilaaban doontaa waxaana haatan la sugaa John Abraham oo duubayo qeybaha ugu dambeeyo filimkiisa Attack kadib ayay si rasmi ah shaqada Ek Villian u 2 u bilaaban doontaa.

Waxaan wada xasuusanaa sanadii 2014 filimkan qaybtiisa kowaad Ek Villian inay wada jileen Sidharth Malhotra, Riteish Deshmukh iyo Shraddha Kapoor wuxuuna noqday Super Hit weyn balse haatan hogaamiyihiishii qaybta kowaad midna lama soo celinin oo Ek Villian Returns waxaa hogaankiisa loo dhiibay John, Arjun, Tara iyo Disha oo taxanahan ku wada cusub sidoo kalena Director Mohit Suri oo qaybtii kowaad agaasimay wuxuu sheegay in dhamaan hogaamiyasha qaybta labaad mid walbo doorkiisa xumaan ku dheehan tahay sidoo kalena hogaamiyaasha dhibaato isku wada geesan doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here