Filimka weyn ee taxanaha ah Fast & Furious 9 qorshaha wuxuu ahaa in Ciidul Fitrigan ama 22 May 2020 gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka laga daawado balse haatan mashruucan gabi ahaantiisa dib ayaa loo dhigay oo sanadka dambe ayaa tiyaatarada caalamka laga daawan doonaa.

F9 waa taxane weyn oo dunida oo idil laga daawado madaama caabuqa halista badan Coronavirus dunida ku faafayo filimkan suuqyo muhiim ah ayuu weyn doonaa haddii 22 May masraxyada caalamka la saaro sidaa darteed kooxda mashruucan iska leh waxay si rasmi ah shaaca kaga qaadeen in 2 April 2021 F9 tiyaatarada caalamka laga daawan doono.

Baaqashada filimka F9 waxay ka dhigan tahay dagaalkii sedex geesoodka ahaa Eid 2020 dhici lahaa inuu meesha ka baxay haatana waxaa qorsheesan 22-ka May in la daawado filimada Radhe oo Salman Khan hogaamiye ka yahay iyo Laxmi Bomb oo Akshay Kumar hogaamiye ka yahay balse Laxmi Bomb waxaa loo badina isagana in dib loo dhigi doono madaama Kumar filimkiisa Sooryavanshi oo 24-ka bishan Maarso la daawan lahaa dib loo dhigay cabsida laga qabo faafista Coronavirus-ka sidaa darteed Akshay labadiisa filim labo bil oo isku xigto masraxa lama saari karo.

Dhinaca kale madaama filimka F9 la xaqiijyay in 2 April 2021 la daawan doono waxay isku dhici doonaan gudaha filimka Bell Bottom ee Akshay Kumar hogaamiye ka yahay kaasi oo horey loo iclaamiyay in waqtigaas la daawan doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here