Xidiga laga daba dhacay Varun Tej ee fanka Telugu ama Tollywood ka tirsan waqti dahabi ayuu bartanka kaga jiraa kadib markii bilawgii sanadkan filimkiisii F2 – Fun & Frustration Blockbuster u noqday haatana filimkiisa ugu dambeeyay Gaddhalakonda Ganesh (Valmiki) isagana HIT dhameestiran ayuu noqday.

Shabakada Andhra Boxoffice (ABO) ayaa si rasmi ah shaaca kaga qaaday in filimka Gaddhalakonda Ganesh tiyaatarada isaga dagay waxaana mashruucan masraxa lasoo saaray 20-kii September 2019 haatana tiyaatarada wuu isaga dagay asigoo cimri ahaantiisa keenay 42.50 Crore ganacsigiisa dibad iyo dal.

Filimka Gaddhalakonda Ganesh kooxda cajaladaha qeybiyaan waxay ka heleen 25.15 Crore saamigiisa dibad iyo dal waxayna markii hore ku iibsadeen 25 Crore taasi oo ka dhigan in 100.6% dib usoo celiyay lacagtii lagu iibsaday sidaasna HIT ayuu ku noqday.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Gaddhalakonda Ganesh oo tiyaatarada isaga dagay iyo suuq walbo ganacsiga uu ka sameeyay soona daabacday shabakada Andhra Boxoffice (ABO):

Dhulweynaha Telugu wuxuu ka keenay 34.70 Crore, saamiga laga helay 22.10 Crore, lacagta lagu iibsaday 20 Crore.

Gobolka Karnataka wuxuu ka keenay 3.10 Crore, saamiga laga helay 1.33 Crore, lacagta lagu iibsaday 1.20 Crore.

USA Boxoffice wuxuu ka keenay 3.10 Crore, saamiga laga helay 1.08 Crore

Dunida inteeda kale wuxuu ka keenay 1.60 Crore, saamiga laga helay 0.63 Crore.

Wadarta Guud lacagaha uu keenay 42.50 Crore, Saamiga guud laga helay 25.15 Crore, Lacagaha guud lagu iibsaday xuquuqdiisa qeybinta cajaladaha 25 Crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here