Natural Nani filimkiisa Gang Leader oo uu laadar ka yahay Karthikeya ayaa ganacsi wanaagsan sameeyay sedexdiisa maalmood ugu horeyso wuxuuna keenay 26.60 Crore ($3.72m) ganacsigiisa dibad iyo dal waxayna kooxda cajaladaha qeybiyaan ka heleen 15.70 Crore ($2.19m).

Filimka Gang Leader ganacsiga ugu wanaagsan wuxuu ka sameeyay dhul weynaha Telugu AP/Nizam asigoo ka keenay 17.60 Crore sedexdiisa maalmood ugu horeyso waxaana xusid mudan in filimkan dhaliisha xoogan fariintiisa loo soo jeedinaayay inuu haatan si wanaagsan u gadmaayo.

Filimka Gang Leader waxay kooxda cajaladaha qeybiyaan ku iibsadeen 30 Crore sidaa darteed waxaa dib ugu soo laabatay 52% lacagihii ay ku iibsadeen mudo sedex maalmood ah waxaana kalsooni laga qabaa in lacagta lagu iibsaday dib usoo celin doono sidoo kalena mashruucan guul wacan gaari doono.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Gang Leader suuqa walbo lacagaha uu ka keenay iyo saamiga laga helay waxaana kasoo xiganay shabakada Andhra Boxoffice (ABO):

Dhul weynaha Telugu AP/Nizam wuxuu ka keenay 17.60 Crore, saamiga laga helay 11.65 Crore.

USA Boxoffice wuxuu ka keenay – 5.30 Crore, saamiga laga helay 2.38 Crore.

Dunida inteeda kale wuxuu ka keenay 1.60 Crore, saamiga laga helay 0.65 Crore.

Wadarta Guud ganacsigiisa dibad & dal – 26.60 Crore, saamiga guud laga helay dibad & dal 15.70 Crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here