Rasmi: Filimka Geetha Govindam mudo 26-maalmood ganacsiga uu sameeyay 125 Crore ayuu kusii socdaa!!

Xidiga laga dabacay Vijay Deverakonda oo sanadkii hore sameeyay filimkii Blockbuster-ka ahaa Arjun Reddy haatan Tollywood isaga ayaa ayaa heesto madaama filimkiisa cusub Geetha Govindam Blockbuster kale oo weyn noqday sidoo kalena sheekadiisa aad looga helay.

Vijay Deverakonda iyo Rashmika Mandanna filimkooda Geetha Govindam mudo 26-maalmood ah wuxuu soo xareeyay 120.10 Crore isku darka gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka wuxuuna ku socdaa inuu 125 Crore si dhaqsi ah ku gaaro.

Filimka Geetha Govindam kooxda cajaladaha qeybiyaan waxay ku iibsadeen 15 Crore haatana waxay dib kaga heleen 66.40 Crore taasi oo ka dhigan inuu ka mid noqday aflaanta taariikh ahaan Telugu kuwooda faa’iidada ugu badan laga helay doodna kama taagno inuu All Time Blockbuster noqonaayo!

Fadlan hoos kaga bogo filimka Geetha Govindam iyo suua walbo ganacsiga uu ka sameeyay sida ay soo daabacday shabakada Andhra Boxoffice mudo 26-maalmood ganacsigiisa ku xeen daaban:

Dhul weynaha Telugu AP/Nizam wuxuu ka keenay 77.10 Crore, saamiga laga helay 46.20 Crore

Gobolka Karnataka wuxuu ka keenay 13.10 Crore, saamiga laga helay 5.90 Crore

Gobolka Tamil Nadu wuxuu ka keenay 5.70 Crore, saamiga laga helay 2.10 Crore

USA Boxoffice wuxuu ka keenay 17.70 Crore, saamiga laga helay 9.75 Crore

Dunida inteeda kale wuxuu ka keenay 6.50 Crore, saamiga laga helay 2.45 Crore

Wadarta Guud Ganacsigiisa Dibal iyo Dal 120.10 Crore, Saamiga Guud Ee Laga Helay Dibad iyo Dal 66.40 Crore.

F.G: Haddii aadan sheekada filimka Geetha Govindam fadlan RIIX HALKAAN

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*