Filimka Good Newez waxaa tiyaatarka la saaray 27dii bishii December sanadkii hore waana filim Comedy Drama kaasoo uu hogaamiye kayahay Akshay Kumar waxaana atariisho koowaad ka ah Kareena Kapoor iyadoo ayna ku wehliyaan Kiara Advani iyo Daljit Singh.

Shabakada Box Office India ayaa maanta si rasmi usoo daabacday filimkaan lacagihii uu soo xareeyay mudadii uu tiyaatarka saarnaa wuxuuna soo xareeyay 304 crore asigoona dhanka dibada aad ugu fiicnaa wuxuuna noqday filimka 3aad ee daafaha caalamka lacagaha ugu badan kasoo xareeyay 2019kii waxaana ka lacag badan kaliya filimada War iyo Kabir Singh.

Good Newwz wuxuu UK kasoo xareeyay $1 Million asigoona ka wanaagsanaa lacagihii ay sanadkii hore halkaas kasoo xareeyeen filimada Bharat iyo Kalank.

Sidoo kale East Punjab wuxuu ka noqday filimka lacagaha ugu badan kasoo xareeyay 2019kii asigoona ka keenay halkaas 26.94 crore wuxuuna dhaafay lacagihii uu horey halkaas uga soo xareeyay filimka Kabir Singh kaasoo East Punjab ka keenay 25.74 crore.

Good Newwz wuxuu US/ Canada ka keenay $5 Million asigoona noqday filimka lacagaha ugu badan halkaas uga soo xareeyay Akshay Kumar wuxuuna dhaafay rikoorka filimka Mission Mangal.

Hadaba halkaan hoose kaga bogo filimkaan iyo suuq walba lacagaha uu ka keenay;

Lacagaha uu gudaha India ka keenay canshuurta kahor waa 229.42 crore.

Lacagaha uu gudaha India ka keenay Canshuurta kadib waa 196.31 crore.

Uk – £995,000

US / Canada – $5,043,000

Gulf – $1,710,000

Australia – A$1,544,000

Rest Of The World – $1,250,000

TOTAL – $10,510,000 ( 74.88 crore)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here