Superstar Akshay Kumar, Kareena Kapoor Khan, Kiara Advani iyo Diljot Doshanj filimkooda Good Newwz waxaa laga soo dalbaday dhinacaas iyo bariga fog gaar ahaan Hong Kong waxaana la saari doonaa tiyaataro aad u badan madaama fariintiisa suuqyada caalamka siweyn filimkan kaga gadmatay.

Waxaa haatan la xaqiijiyay in filimka Good Newwz laga daawan doono gudaha Hong Kong 13 Febraayo 2020 ama bishan gudaheeda weliba Khamiistan nagu soo fool leh Khamiista kale ee xigta sida shirkada Dharma Productions oo filimkan maal galineyso shaaca ka qaaday.

Good Newwz waxaa gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka laga daawaday 27 Dec 2019 ama dabyaaqadii sanadka hore wuxuuna noqday Super HIT weyn wuxuuna gudaha Hindiya kasoo xareeyay 196 Crore nadiif ah sida shabakada BOI soo daabacday halka suuqyada caalamka darajada $10m uu ka gaaray sidoo kalena ganacsigiisa dibad iyo dal la isku daray 300 Crore ayuu ka talaabay.

Markaana waxaa lagu kalsoon yahay gudaha Hong Kong inuu ganacsi adag ka sameyn doono sidoo kalena waxaa la qorsheenaa isla sanadkan gudihiisa in filimkan weyn laga daawado dhul weynaha China weliba reer China wey jecel yihiin aflaanta fariimaha waaqiciga ah xambaarsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here