Home » Box Office » Rasmi: filimka Hate Story 4 iyo Isniintiisa kowaad ganacsiga uu sameeyay wuu is celiyay filimkaan

Rasmi: filimka Hate Story 4 iyo Isniintiisa kowaad ganacsiga uu sameeyay wuu is celiyay filimkaan

Filimka Hate Story 4 ayaa is celiyay Isniintiisa kowaad ganacsi ahaan asigoo keenay 2 Crore (Trade Figure) sidoo kalena 40% hoos u dhac ayuu sameeyay marka lala bar bar dhigo Jimcadiisii kowaad ganacsiga uu sameeyay.

Filimka Hate Story 4 mudo afar maalmood ah wuxuu keenay 13.50 Crore (Trade Figure) waana ganacsi dhex dhexaad ah sidoo kalena maal maha shaqada Talaado, Arbaco iyo Khamiis ganacsigiisa wuu sii wadan karaa marba hadii uu tijaabadii Isniinta ka gudbay.

Laakiin Hate Story 4 culeeska wuxuu kaga imaanaa todobaadkiisa labaad inuu tiyaatarada kala wareegi doono filimka Raid ee Superstar Ajay Devgn hogaamiye ka yahay sidaa darteed filimkaan xili qaldan ayaa tiyaatarada la saaray madaama ganacsigiisa ugu wacan hal todobaad ku xeen daaban yahay sidoo kalena todobaadkiisa kowaad ganacsigiisa uu dhex dhexaad u eg yahay asigoo keeni doono 18 Crore ilaa 18.50 Crore qiyaas ahaan.

Fadlan hoos kaga bogo Hate Story 4 mudo afar maalmood ganacsiga uu sameeyay sida shabakada BOI soo daabacday:

Jimco – 3.25 Crore

Sabti – 4 Crore

Axad – 4.25 Crore

Isniin – 2 Crore

Wadarta Guud – 13.50 Crore (Trade Figure)

Dhinaca kale filimka Dil Juunglee oo ay hogaamiyaal ka yihiin Taapsee Pannu, Saqib Saleem, ayaa u muuqdo in todobaadkiisa kowaad uu keeni doono 1.25 Crore kadibna gani ahaanba tiyaatarada isaga dagi doono, afarta maalmood ee ugu horeyso wuxuu keenay lacagaha hoos ku xusan:

Jimco – 25 Lakh

Sabti – 30 Lakh

Axad – 35 Lakh

Isniin – 10 Lakh

Wadarta Guud – 1 Crore (Trade Figure)

Ugu dambeyntii Filimka 3 Storeys oo ay wada jilayaan Richa Chadda, Pulkit Samrat, Sharman Joshi, Sunny Nijar iyo Ankit Rathi isagana hoos u dhac weyn ayuu sameeyay Isniintiisa kowaad wuxuuna u muuqdaa in todobaadkiisa kowaad uu keeni doono 2 Crore kadibna waa u dhamaatay ganacsi ahaan, afarta maalmood ee ugu horeyso ganacsiga hoos ku xusan ayuu sameeyay:

Jimco – 35 Lakh

Sabti – 60 Lakh

Axad – 65 Lakh

Isniin – 15 Lakh

Wadarta Guud – 1.75 Crore (Trade Figure)