Home » Box Office » Rasmi: Filimka Irumbu Thirai oo tiyaatarada ka dagay waa Blockbuster iyo Vishal filimkiisa ugu weyn

Rasmi: Filimka Irumbu Thirai oo tiyaatarada ka dagay waa Blockbuster iyo Vishal filimkiisa ugu weyn

Filimka hir galay ee Tamil-ka ah Irumbu Thirai ayaa si rasmi ah tiyaatarada kaga dagay wuxuuna noqday Big Blockbuster sidoo kalena waa Vishal filimkiisa ugu weyn.

Irumbu Thirai  waxaa tiyaatarada la saaray 11 May 2018 waxaana lagu daawaday markaas Af Tamil kadib markii sheekadiisa siweyn u hirgashay waxaa la saaray gobolada Telugu 1 June 2018 asigoo wato magaca Abhimanyudu.

Vishal filimka Irumbu Thirai waxaa la jileesay atirishada Samantha Ruth Prabhu halka Arjun iyo Yuvan Shankar Raja  ayay doorar adag ku leeyihiin.

Filimka Irumbu Thirai cimri ahaantiisa wuxuu keenay 60.20 Crore ganacsigiisa dibad iyo dal la isku daray sidoo kalena saami ahaan kooxda cajaladaha qeybiyaan waxay ka heleen 30 Crore.

Filimka Irumbu Thirai kooxda cajaladaha qeybiyaan waxay ku iibsadeen 20 Crore taasi oo ka dhigan 150% inuu dib usoo celiyay lacagtiisa waana Blockbuster weyn sidoo kalena ah Vishal Hit-kiisa ugu weyn.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Irumbu Thirai suuq walbo lacagaha uu kasoo xareeyay oo ay shabakada Andhara Boxoffice soo daabacday:

Dhul weynaha Telugu AP/Nizam wuxuu ka keenay 18.80 Crore, saami ahaana waxaa laga helay 9.20 Crore

Tamil Nadu wuxuu ka keenay 26.90 Crore, saami ahaana waxaa laga helay 14.90 Crore

Gobolka Karnataka wuxuu ka keenay 1.50 Crore, saami ahaana waxaa laga helay 0.55 Crore

Gobolada kale wuxuu ka keenay 0.50 Crore, saami ahaana waxaa laga helay 0.15 Crore

Hindiya Lacagaha Guud Uu Ka Keenay 50.30 Crore, Saamiga Guud Ee Gudaha Hindiya Laga Helay 25.80 Crore

USA Boxoffice wuxuu ka keenay 2.20 Crore, saami ahaana waxaa laga helay 0.80 Crore

Malaysia wuxuu ka keenay 3.30 Crore, saami ahaana waxaa laga helay 1.65 Crore

UAE/Gulf wuxuu ka keenay 1.60 Crore, saami ahaana waxaa laga helay 0.65 Crore

Dunida Inteeda Kale wuxuu ka keenay 2.80 Crore, saami ahaana waxaa laga helay 1.10 Crore

Lacagaha Guud Dibad Iyo Dal Wuxuu Keenay 60.20 Crore, Saamiga Guud Dibad iyo Dal Lagaha Helay 30 Crore.

Fadlan hoos ka daawo goos gooska filimka hirgalay Irumbu Thirai adigaaba ka heli doontid:

2 Responses to Rasmi: Filimka Irumbu Thirai oo tiyaatarada ka dagay waa Blockbuster iyo Vishal filimkiisa ugu weyn

  1. Faqay muqdisho Reply

    July 12, 2018 at 2:10 am

    Waan daawaday filimkaan waana filim aan marnaba laga jeesan karin teeda kale vishal aflaantiisa waaba classic sheekadooda hadda waanba raadiyaa aflaantiisa actorkaan ,inkasto ay u badan filimo dubbed ah.

  2. azad caraale Reply

    July 12, 2018 at 7:50 am

    flimkan webka fanproj ayu yalla wl zakarie wana flim zhidan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *