Sharwanand iyo Samantha filimkooda jaceylka ee qiirada badan Jaanu ayaa ganacsi dhex dhexaad ah sameeyay labadiisa maalmood ugu horeyso filimkan Telugu ah sida aan xogaha ku heleyno qiyaas ahaan labadiisa maalmood ugu horeyso wuxuu keenay 6 Crore lacagta nadiifka ah ee dhul weynaha Telugu ka keenay.

Filimka Jaanu waxaa u suura gashay canshuurta ka hor inuu gudaha Hindiya ka keeno 7 Crore sidoo kalena suuqyada caalamka wuxuu kasoo xareeyay 2 Crore taasi oo ka dhigan wadarta guud in filimkan mudo labo maalmood 9 Crore keenay ganacsigiisa dibad iyo dal la isku daray.

Balse filimka Jaanu qolyaha cajaladaha qeybiyaan waxay ku iibsadeen 21 Crore ilaa iminkana ku dhawaad 6 Crore ayay dib kaga heleen sidaa darteed shaqo culus ayaa weli hortaalo filimkan fariintisa la amaanayo.

Filimka Jaanu sheeko ahaan waxaa laga soo min guuriyay filimkii Tamil-ka ahaa 96 ee Blockbuster-ka noqday sanadii 2018 waxaana wada jileen Vijay Sithupati iyo Trisha balse haatan wey ku adag tahay filimka Jaanu ganacsi ahaan iyo natiijo ahaan inuu gaaro qaybta asalka ahayd ee labo sano ka hor Koonfur Hindiya siweyn kaga gadmay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here