Filimka Jaanu waxaa masraxa la saaray 7 Febraayo 2020 waana filim jaceyl oo hogaamiyaal ka ahaayeen Samantha iyo Sharwanand waxaana sheeko ahaan laga soo min guuriyay filimkii Tamil-ka ahaa 96 oo ay wada jileen Vijay Sethupathi iyo Trisha wuxuuna noqday Super Hit asigoo 2018 la daawaday.

Haddaba waan ka xunahay filimka Jaanu masraxa wuxuu isaga dagay wuxuuna noqday filim bur buray oo Disaster ah siweyna loogu fashilmay madaama cimri ahaantiisa uu soo xareeyay 14.45 Crore ganacsigiisa dibad iyo dal waxayna qolyaha cajaladaha qeybiyaan saami ahaan ka heleen 7.92 Crore ayagoo markii hore ku iibsadeen 21 Crore sidaa darteed qasaaro xoogan ayaa lagala kulmay filimkan.

Filimka Jaanu iyo suuq walbo lacagaha uu ka keenay fadlan hoos kaga bogo madaama Samantha iyo Sharwanand filimkoodii ganacsi ahaan siweyn u fashilmay:

Dhul weynaha Telugu wuxuu ka keenay 11.50 Crore, saami ahaan waxaa laga helay 6.81 Crore.

Suuqyada caalamka wuxuu ka keenay 1.75 Crore, saamiga laga helay 0.61 Crore.

Dunida inteeda kale wuxuu ka keenay 1.20 Crore, saamiga laga helay 0.50 Crore

Wadarta Guud Ganacsigiida Dibad & Dal 14.45 Crore, Saamiga Guud Dibad & Dal Laga Helay 7.92 Crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here